Militriga Iran ayaa sheegay in ciidankooda badda weerareen maraakiibta dagaalka Maraykanka oo isku dayay inay soo galaan marinka Hormuz markab dagaal. balse Mareykanka way beeniyeen in markab ay leeyihiin la weeraray.
Qoraal ka soo baxay Iran ayaa sidan lagu sheegay, “Digniin degdeg ah oo culus taas oo ka timid ciidamada badda ee jamhuuriyadda Islaamiga ayaa ka hortagtay markabka zahnuuniyadda cadowga Mareykanka in uu soo galo marinka Hormuz”.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga saxda ah ee dhacdadan iyo tirada maraakiibta iyo marinkooda saxda ah weli lama shaacin.
Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo Isniin ah in ay bilaabayaan qorshe lagu taageerayo marin nabdoon oo laga sameeyo Hormuz kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 15,000 oo askari iyo 100 diyaaadood iyo dhowr markab.
Ciidamada badda ee Kacaanka Islaamiga (IRGC) ayaa shaaciyay goob cusub oo ka tirsan Hormuz taas oo ay ku sheegeen in ciidamada Iran “ay gacanta ku hayaan”.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka waxay shegeen in aysan waxba iska baddelin maamulka marinka Hormuz, waxayna uga digeen in “maraakiibta xadgudubta in cidamada ay joojinayan”.
Qiimaha shidaalka ayaa si lama filaan ah u kacay kadib markii warbaahinta dowladda Iiraan ay sheegtay in markab dagaal oo Maraykan ah lagu dhuftay gantaallo meel u dhow Marinka Hormuz.
Qiimaha caalamiga ah ee saliidda cayriin ayaa si degdeg ah kor ugu kacay in ka badan $4 halkii foosto daqiiqado gudahood markii uu soo baxay warka ku saabsan weerarka.
Qiimaha wax yar ayuu dib u dhacay kaddib markii Maraykanku diiday in weerarkaasi dhacay.
Haddii isku dayga lagu marinayo maraakiibta marinka uu sababo dib u qarax dagaal, taasi waxay hoos u dhigi kartaa rajada ah in qulqulka shidaalka iyo gaaska dib u bilaabmo, waxayna u badan tahay in ay sii kordhiso qiimaha shidaalka si ka sii badan makii hore inta uu joogay.
