Saraakiisha ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, ayaa sheegay in weerarkii ay Iiraan caawa ku qaaday warshadaha shidaalka iyo gaaska ee Imaaraadka Carabta ku yaalla Fujairah inuu yahay natiijada tallaabo ay ku sheegay mid khatar ah oo ay qaadeen ciidamada Mareykanka, iyagoo isku dayaya inay furaan marin-biyoodka Hormuz, si socoshada iskudayadaa waxay Iiraan sheegtay inay ka dhalanayso jawaab celin culus oo saameyn ku yeelanaysa gobolka. sida uu sheegay Telefishinka dawladda Iiraan
Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay DropSiteNews in Iiraan ay wali ku jirto wada-xaajoodyo dadban oo ay la leedahay Mareykanka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyayaal, balse aysan gabi ahaanba diyaar u ahayn wada-hadal toos ah ilaa cunaqabataynta si shuruud la’aan ah looga qaado.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale tilmaamay in qiimeynta hadda jirta ay muujineyso suuragalnimada weerar militari oo cusub, maadaama ujeeddooyinkii laga lahaa cunaqabataynta aan la gaarin. Wuxuu sheegay in Mareykanku u badan yahay inuu diiradda saaro Marinka Hormuz, iyadoo la filayo in howlgallo militari ay ku fidaan xeebaha Iiraan, isla markaana ay jiri karaan ololeyaal dilal qorsheysan ah oo lala beegsado hoggaamiyeyaasha Iiraan, laguna fuliyo iskaashi lala yeesho Israa’iil.

Screenshot
