Maraykanka:-“Cid kasta Oo Shidaal ka Iibsata Iran waxay ka Qayb-qaadanaysa Argagixisada”.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ergeyga ganacsiga ee Mareykanka, Jamieson Greer, ayaa sheegay in cid kasta oo iibsanaysa shidaalka Iran ay ka qayb qaadanayso argagixisada, isagoo ku eedeeyay in dakhliga shidaalka uu taageero howlaha Tehran.

Greer ayaa sidoo kale tilmaamay in Shiinaha uu si joogto ah uga leexanayo cunaqabateynta Mareykanka, isagoo sii wada iibsashada shidaalka Iran, arrintaas oo Washington u aragto mid dhaqaale ahaan u xoojinaysa Iran.

Mareykanka ayaa kordhiyay cadaadiska, isagoo uga digay shirkadaha iyo bangiyada caalamiga ah inay la kulmi karaan cunaqabateyn haddii ay ka qayb qaataan ganacsiga shidaalka Iran.

Dhinaca kale Warar ayaa sheegaya in markabka dagaalka ee diyaaradaha xambaara ee USS Gerald R. Ford uu ka baxay badda Mediterranean-ka, isagoo sii maray marinka Gibraltar.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in markabkaas u jihaysan yahay inuu dib ugu laabato Mareykanka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin ujeedada socdaalkiisa.

Screenshot