Ugu yaraan 18 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay guud ahaan dalka Lubnaan, inkastoo uu jiro xabbad-joojin socotay muddo saddex toddobaad ah.
Ciidanka Israa’iil ayaa maanta fuliyay weerarro badan oo ka dhacay koonfurta iyo qaybo kale oo Lubnaan ah, iyadoo sidoo kale la soo saaray amarro barakac khasab ah oo lagu beegsanayo sagaal magaalo iyo tuulo oo ku yaalla koonfurta dalka, waxaana dadka deegaanka looga digay weerarro dheeraad ah.
Sida laga soo xigtay wararka hordhaca ah, laba qof oo kala ahaa nin Suuriyaan ah iyo gabadhiisa ayaa lagu dilay magaalada Nabatieh. Saddex qof ayaa lagu dilay deegaanka Nahrain, halka saddex kale ay ku dhinteen Saadiyat.
Sidoo kale, saddex qof ayaa lagu dilay Haboush, halka toddobo kale oo uu ku jiro cunug lagu dilay deegaanka Saksakiyeh.
Weerarradan ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo burburka xabbad-joojinta iyo suuragalnimada in mar kale uu cirka isku shareero dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo xoogagga hubeysan ee Lubnaan. See less
