Mas’uuliyiinta ugu sarreeya amniga dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay magaalada Mogadishu, iyagoo si rasmi ah uga hadlay xaaladda amni ee caasimadda iyo bannaanbaxyada ay mucaaradku qorsheynayaan inay qabtaan. Shirka ayaa kusoo aaday xilli ay sare u kacayaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyada abaabulka dibadbaxyada ee maalmahan ka socday Muqdisho.
Shirka jaraa’id waxaa si wadajir ah uga qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdullahi Ismail Fartaag, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Hassan Mohamed Hussein Muungaab, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Asad Diyaano iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha ammaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dowladda aysan diidanayn in shacabka ay cabashadooda muujiyaan, balse loo baahan yahay in bannaanbaxyadu u dhacaan si nidaamsan oo aan khatar gelin amniga guud ee magaalada. Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa si adag uga hadlay ilaalinta nabadgelyada Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda aysan aqbali doonin wax kasta oo qalqal amni abuuri kara.
“Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga Caasimadda Muqdisho, ciddii bannaanbax qabsaneysa waa inay raacdo tilmaamaha uu soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,” ayuu yiri wasiirka amniga, isagoo xusay in hay’adaha ammaanku heegan buuxa ku jiraan.
Wasiirka amniga ayaa sidoo kale ka digay suuragalnimada in kooxo hubeysan ama maleeshiyaad ay isku dayaan inay ku dhex dhuuntaan dadka dibadbaxa dhigaya si ay u abuuraan rabshado ama falal amni darro. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ciidamada ay si gaar ah uga feejigan yihiin dhaq-dhaqaaq kasta oo lagu carqaladeyn karo amniga caasimadda.
“Waxaan xog ku helnay in Rag masuuliyin hore ah iyo siyaasiyiin ay qorsheynayaan in ay magaalada qal qal galiyaan ayna abuuraan falal lagu boobayo hantida ganacsatada Soomaaliyeed hubna ay qeybiyeen” ayuu sidoo kale yiri Wasiirka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Hassan Mohamed Hussein Muungaab ayaa sheegay in maamulka gobolka uu oggol yahay in bannaanbaxa lagu qabto Eng Yariisow Stadium, halkaas oo sida uu sheegay ay ciidamada ammaanku sugayaan nabadgelyada dadka kasoo qeyb galaya.
“Bannaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta, majirto qof wax fowdo ah sameyn karta,” ayuu yiri Muungaab.
Hase ahatee Mucaaradka iyo dadka dibed baxyada dhigaya ayaa qorsheynaya iney iskugu soo baxaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada ay shucuurtooda halkaas ku muujiyaan, taasoo dowladu walaac weyn ka qabto iney ka dhashaan rabshado iyo isku dhacyo dhexmara ciidamada amaanka iyo dadka dibed baxyada oo ay horkacayaan mucaaradka oo ilaalo hubeysan iyo gaadiid dagaal wata.
Waxaa la arkayaa ciidamo badan oo la geeyay waddooyinka muhiimka ah ee Mogadishu, iyadoo la kordhiyay baraha koontaroolka iyo roondooyinka lagu ilaalinayo goobaha muhiimka ah. Dowladda ayaa u muuqata inay isku dayeyso inay isku dheelitirto xaqa dibadbaxa iyo ilaalinta amniga, xilli mucaaradka ay sii wadaan abaabulka taageerayaashooda.
Dhinaca mucaaradka, siyaasiyiin hore ayaa hore u sheegay in bannaanbaxa uu noqon doono mid nabadeed oo lagu muujinayo cabashada shacabka la xiriirta burburinta guryaha iyo barakicinta dadka ku nool qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho. Waxaase muuqata in dowladda ay dooneyso in isu soo baxa lagu koobo goob cayiman si looga hortago isku socod ballaaran oo magaalada ka dhaca.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in qaabka dowladda u maareyso bannaanbaxyadan uu saameyn ku yeelan karo xaaladda siyaasadeed ee guud ee dalka, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka oo maalmihii dambe sii xumaanayay. Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in qalad yar oo dhaca uu keeni karo isku dhac siyaasadeed ama mid amni oo ballaaran.
