Dibadbaxii Mucaaradka ee Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dibadbaxa mucaaradka ee maanta ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo durba sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, kadib markii rasaas lagu furay dad shacab ah oo ka qeyb-galayay isu soo bax lagu tilmaamay mid nabadeed.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Dayniile, halkaas oo kamid ahayd goobaha ugu waaweyn ee dibadbaxu ka socday, ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay rasaas u adeegsadeen shacabka isugu soo baxay mudaharaadka, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan hal qof iyo dhaawaca tiro kale oo dad ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo shir jaraa’id qabtay waxyar kadib dhacdada, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay rasaasta, isaga oo tacsi u diray qoyska qofka geeriyooday iyo dhammaan ehellada dadka dhaawacyadu soo gaareen.

Khayre ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda inay si toos ah u beegsadeen dad rayid ah oo dhigayay banaanbax nabadeed. Wuxuu sheegay in falkaasi uu muujinayo sida ay dowladda ula dhaqmeyso shacabka cabashadooda si nabad ah u muujinaya.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dadka ka badbaaday rasaasta ay kamid tahay Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte, oo uu sheegay inay goobta ku sugneyd xilligii ay rasaastu dhacaysay, isla markaana ay marqaati ka tahay wixii dhacay.

Dhanka kale, Khayre ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay weli xannibaad ku hayaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isaga oo tilmaamay in dhaq-dhaqaaqyadooda si weyn loo xadiday.

Mucaaradka dowladda federaalka ayaa markale ku celiyay dalabkooda ah in la helo hannaan doorasho oo heshiis siyaasadeed lagu yahay, iyaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu miiska wadahadalka keeno khilaafaadka jira.

Illaa iyo hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay ee ku saabsan isticmaalka rasaasta iyo khasaaraha ka dhashay dibadbaxa maanta ka socda Muqdisho.