Dowlada Somaliya oo Sheegtay in aysan Jirin Faragelin ka Imaaneysa Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa sheegay in aysan jirin wax faragelin ah oo ka imaaneysa Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isagoo beeniyay warar la xiriiray kulan siyaasadeed oo la sheegay in 13-ka May lagu qabanayo xarunta safaaradda.

Isagoo ka hadlayay dood lagu qabtay barta X Space, ayuu wasiirku sheegay in safaaradda Mareykanka aysan diyaar u ahayn inay si toos ah ugu lug yeelato xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, inkastoo sida uu yiri ay jiraan xubno mucaaradka kamid ah oo dalbanaya faragelin caalami ah.

“Ma jiro kulan la qorsheeyay, mana jirto wax faragelin ah oo safaaradda Mareykanka ka waddo Muqdisho,” ayuu yiri Cali Balcad, isagoo intaas ku daray in dowladda ay hayso waraaqo uu sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay u direen dhinacyo caalami ah si loogu cadaadiyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaar kamid ah mucaaradka inay warqado u direen hay’adaha caalamiga ah sida Bankiga Adduunka, si loo hakiyo taageerada dhaqaale ee Soomaaliya, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid la mid ah dhaqamadii hogaamiye-kooxeedyadii hore ee dalka.

“Waxaan moodaa inay ka gudbeen mucaaradnimo oo ay u gudbeen qaab kale oo wax lagu raadinayo,” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay mucaaradka inay dib ugu soo laabtaan hannaan siyaasadeed iyo tartan dimuqraadi ah.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada lagu baahiyay in ay jiraan kulamo u dhaxeeya Mucaaradka iyo Dowladda oo 13ka Bishaan ay Safaaradda Mareykanka ku dhex dhexaadineyso.