Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa si adag u dhaliilay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in xaaladda amni ee dalka aysan weli u saamaxayn nidaamkaas.
Qarjab ayaa sheegay in deegaano badan oo ku hareeraysan gobolka Banaadir ay weli gacanta ugu jiraan Al-Shabaab, isaga oo tusaale u soo qaatay in madaxda dowladda aysan si xor ah ugu safri karin deegaano ay ka mid yihiin Afgooye iyo Balcad.
“Xaggee weeye meesha qof iyo codka ka qabanayaan? Xasan Sheikh, Afgooye ayuusan isaga laftiisu istaagi karin, Balcad buusan tegi karin. Meel kasta oo gobolka Banaadir ku hareeraysan waxaa haysta Al-Shabaab iyo Al-Qaacida,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay weli ku jirto burbur, isla markaana arrimaha masiiriga ah ee la xiriira qeybsiga khayraadka, dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, halkii lagu degdegi lahaa doorasho qof iyo cod ah.
Qarjab ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay dhaqaalaha dalka ku bixisay arrimo siyaasadeed iyo faragelin dowlad-goboleedyada halkii ay xoogga saari lahayd amniga, furista waddooyinka iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay mudnaanta siiyaan badbaadada, wadajirka iyo maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka digay tallaabooyin horseedi kara kala fogaansho iyo xasillooni darro hor leh.
Hadalka wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa yimid xilli guddiga doorashooyinka uu sheegay inay doorashada qof iyo cod gaarsiinayaan deegaanada Puntland, kaddib markii ay soo gaabagabeeyeen doorashooyinkii Koonfur Galbeed.
