Qaylo-dhaan kasoo Yeertay Dad Trump ku Dhacay Taleefan Qayb Dahab ka ah Oo Uu soo Saarayay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qaylo dhaan kasoo yeertay dad badan oo lacag malaayiin doolar ah kusii bixiyay taleefoon qayb dahab ka ah oo uu sanad ka hor Madaxwayne Trump shaaciyay in shirkad uu leeyahay ay soo saarayso telefoonkaasi, kaasoo qiimihiisu yahay $500.

Dad ka badan shan boqol oo kun ayaa bixiyay lacag hor maris ah oo gaaraysa $100, taasoo kor u dhaaftay 59 milyan oo doolar, balse lama soo saarin telefoonka illaa hadda waxaana mar kasta dib loo dhigaya waqtiga uu soo baxayo, ilaa ugu dambeyn hadda ay soo baxday inaysan jirin hubaantii uu telefoonka ku soo baxayo, isla markaana aan dib loo celin doonin lacagihii hormariska ahaa , taasoo qaylo dhaan ka dhex dhalisay dadkii lacagta bixiyay oo leh ; miyuu na dhacay Trump? Website-kii laga iibsan lahaa telefoonkana hadda waxaa laga dhigay mid telefoonnada celiska ah lagu iibiyo.

Trump, markii uu xilka madaxweynaha dib ugu soo laabtay sannadkii hore , waxay hantidiisa ahayd keliya 2.3 bilyan oo doolar, balse hadda waxay gaartay 6.5 bilyan , sida ay sheegtay Forbes ,taasoo ka dhigan wax labo jibbaar ka badan hanti ah inuu sameeyay muddada labo sanno ah oo xilka hayo oo ka badan dhammaan hantida uu sameeyay noloshiisa oo dhan, wax u eg inuu xilka uga faa’iideystay hab ganacsi oo hantidiisa uu sare ugu qaaday.

Screenshot