Kiiska afduubka markabka ganacsiga ee “MT Eureka” ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii qoysaska qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa ay shaaciyeen in burcad-badeeddu kordhiyeen lacagta madax-furashada oo hadda gaartay 10 milyan oo dollar.
Amiira Maxamed, oo ah xaaska Injineer Maxamed Raadi, mid ka mid ah siddeed badmaax oo Masaari ah oo lagu afduubay markabka ayaa sheegtay in seygeeda uu la soo hadlay hal daqiiqo oo keliya, kadib markii burcad-badeeddu u oggolaadeen inuu telefoon isticmaalo.
Waxay sheegtay in uu uga warramay xaalad adag oo ay ku sugan yihiin shaqaalaha markabka, isla markaana uu codsaday in si degdeg ah loo soo badbaadiyo.
“Wuxuu ii sheegay in xaaladdu aad u adag tahay, wuxuuna dalbanayay in cid kasta oo awood leh ay soo farageliso si loo sii daayo,” ayay tiri Amiira.
Sida ay sheegtay, shirkadda iska leh markabka ayaa markii hore qoysaska u ballanqaadday inay xallin doonto arrinta, taas oo sababtay in ehelladu aysan warbaahinta la hadlin bilowgii dhacdada.
Laakiin walaaca qoysaska ayaa sii kordhay saacadihii u dambeeyay, iyadoo aysan jirin wax muujinaya in si dhow loo sii deyn doono badmaaxiinta la afduubay.
Kiiskan ayaa noqday arrin si weyn looga hadal hayo gudaha Masar, iyadoo qoysaska badmaaxiintu ay ugu baaqeen Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi iyo dowladda inay si degdeg ah uga shaqeeyaan soo deynta ehelladooda.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay in dhammaan muwaadiniinta Masaarida ee saarnaa markabka ay “badqabaan”, isla markaana safaaradda Masar ee Muqdisho ay xiriir joogto ah la leedahay dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay khusayso.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee arrimaha qunsuliyadaha, Safiir Xaddaad Al-Jawhari, ayaa sheegay in dowladda Masar ay si dhow ula socoto xaaladda tan iyo markii markabka lagu weeraray biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in markabka uu watay shaqaale kala jinsiyado ah, oo ay ku jiraan badmaaxiin u dhashay Yemen iyo siddeed Masaari ah.
