Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sababta uu u hakaday qorshihii dib loogu furi lahaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Somalia, isagoo eedda dusha uga tuuray xaaladda amni iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay France 24 intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee shirweynaha Africa Forward Summit, ayuu Ruto sheegay in Kenya ay horumar weyn ka sameysay qorshaha dib u furista xadka kahor inta aysan dib usoo laaban colaadaha gudaha Soomaaliya.
“Wax walba si wanaagsan ayay u socdeen ilaa uu khilaaf weyn ka dhex qarxay dowladda Muqdisho iyo dowlad goboleedyada,” ayuu yiri Ruto, isagoo xusay in xiisadahaasi si toos ah u saameeyeen dadaalladii lagu doonayay in dib loo furo xadka labada dal.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dagaallo culus oo ka dhacay deegaannada ku dhow xadka, gaar ahaan kuwa u dhexeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland, ay xaaladda ka dhigeen mid amni darro oo aan suuragelin karin furitaanka xadka.
“Xitaa qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya waxaa lagu riixay gudaha Kenya, waxaana ku qasbanaanay inaan taageerno, daadgureyno, isla markaana gacan ka geysanno dejinta xaaladda si colaadda loo yareeyo,” ayuu si toos ah u sheegay Ruto.
Wuxuu tilmaamay in inkastoo xaaladdaasi markii dambe soo hagaageysay, haddana ay mar kale dib uga sii dartay, taas oo meesha ka saartay rajadii laga qabay in xadka si rasmi ah loo furo bishii Abriil sida uu horey u shaaciyay.
“Xaaladdu way soo hagaageysay balse nasiib darro dib ayay uga sii dartay,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in hubanti la’aanta siyaasadeed ee Soomaaliya ay sii adkaysay arrinta. “Maanta xaaladdu way ka sii murugsan tahay, baarlamaankooda waqtigiisii wuu dhammaaday, xitaa kan madaxweynaha wuxuu ku dhow yahay inuu dhaco.”
Ruto ayaa sheegay in Kenya oo kaashaneysa Ethiopia iyo Djibouti ay isku dayeen inay dhexdhexaadiyaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, balse dadaalladaasi aysan weli dhalin natiijo muuqata.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Kenya ayaa si cad u xaqiijiyay in qorshaha dib u furista xadka hadda hakad ku jiro, isagoo yiri, “Sidaas darteed, waqtigan xaadirka ah xadka ma furna,” arrintaas oo dib u dhigtay qorshihii lagu xoojin lahaa ganacsiga iyo isu socodka shacabka labada dal.
