Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa beenisay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku saabsanaa booqasho qarsoodi ah oo Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka ama in wafdi militari oo Israa’iili ah lagu soo dhaweeyay dhulka dalkaas.
Bayaan ay soo saartay Arbacadii, ayaa Imaaraadku ku sheegay in xiriirka kala dhexeeya Israel uu yahay mid cad oo si rasmi ah loo shaaciyay, laguna dhisay heshiisyada caanka ah ee Abraham Accords.
Waxa kale oo bayaanka lagu adkeeyay in xiriirradaasi aysan ku dhisnayn sir ama heshiisyo qarsoodi ah.
