Iran Oo Oggolaatay in Maraakiib Shiinaha ay Maraan Marinka Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada badda ee Iran ayaa u oggolaaday koox maraakiib ah oo Shiinaha leeyahay inay maraan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz laga bilaabo fiidkii Arbacada

Laanta xiriirka dadweynaha ee ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan IRGC ayaa xaqiijisay warbixinada la xiriira inay oggolaadeen in maraakiibta shiinaha ay maraan marinka Hormuz.

‘’Go’aanka kasoo baxay jamhuuriyada Islaamiga ah, waxa ay ahayd macquul in tiro kamid ah maraakiibta shiinaha ay ka gudbaan marinka Hormuz iyaga oo raacaya nidaamka maamulka Iiraan ee marinka’’.

Sida laga soo xigtay bayaanka iyada oo ay dabasocdaan wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha iyo safiirka dallkaasi ee Iiraan ‘’Waxa ay ahayd kama dambaysa la gaaray in tiro kamid ah Maraakiibta Shiinaha oo uu dalkaasi codsaday ay maraan aaggaasi kadib markii la gaaray is-fahan raacitaanka nidaamyada maamulka Iiraan ee marinka, waxaana uu maritaanku bilowday habeenkii xalay.