Hogaamiyaha Jarmalka ayaa yidhi “Iiraan waa iney hada timaada miiska wada xaajoodka, waa iney furtaa marin biyoodka Hormus, waana in Tehraan aan waligeed loo ogolaan iney hesho hub nukliyeer ah.”
Hogaamiyaha Jarmalka ayaa dhawr jeer sheegay in Iiraan ay bahdileyso Mareykanka, gaar ahaan qaabka ay wada xaajoodka ula meereysaneyso iney Mareykanka ku tahay bahdil.
Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha ISRL, ayaa sheegay in ISRL ay buffer zone ka sameysay, Q/–sa, Lubnaan iyo Suuriya, wuxuuna arrinta ku tilmaamay iney badashay muuqaalka bariga dhexe.
Natanyahu dhanka kale wuxuu yidhi “Waxaan sii wadi doonaa inaan si go’aan leh ula dagaalano khatar kasta oo ka timaada Islaamka xagjirka ah.” Wuxuuna intaasi ku daray in ISRL ay sii balaadhin doonto Iskaashiga & wada shaqaynta ay la leedahay dalal uu ugu yeedhay “dalalka dhexdhexaadka ah” ee gobolka.
