Dawlada Yemen Iyo Kooxaha la Dagaalamayay Oo Is-dhaafsaday 1,600 oo Maxaabiis ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Yemen ayaa qaaday tallaabo cusub oo dhinaca nabadda ah kadib markii dowladda sharciga ah ee dalkaasi iyo kooxda Houthis ay ku heshiiyeen isweydaarsiga in ka badan 1,600 oo maxaabiis ah, taas oo noqotay heshiiskii ugu weynaa ee noociisa ah tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee Yemen.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa askar, saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo dad rayid ah oo labada dhinac ay sanado badan kala haysteen. Dowladda Yemen ayaa la sheegay inay sii deynayso boqolaal dagaalyahanno Xuutiyiin ah, halka kooxda Xuutiyiintuna ay sii deynayaan askar iyo saraakiil ka tirsan dowladda, iyo sidoo kale qaar kamid ah maxaabiista ajaanibta ah ee ay gacanta ku hayeen.

Wadahadalladan oo ay garwadeen ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Laanqeyrta Cas ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo kalsoonida labada dhinac, iyadoo la rajeynayo inay horseedi karto wada-hadallo siyaasadeed oo lagu soo afjarayo colaadda muddada dheer ka socotay Yeme