Heemaal News Network

Mahad Slaad Oo la Eryay Iyo Sanbaloolshe oo loo Magacaabay Agaasimaha Nisa

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA inuu noqdo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Agaasimaha cusub ee loo magacaabay hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa horay mudo laba jeer ah usoo qabtay xilka Agaasimaha NISA iyo xilal kale oo ay ka mid ahayeen Wasiir iyo Danjire, isagoona haatan ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Shacabka.

“Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka Golaha Wasiiradda.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya sidoo kale uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu Qaranka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey .

Agaasimahii hore ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa xilkaan soo haayay tan iyo 26-kii bishii May ee sanadkii 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona xiliga xilkaan loo magacaabayay ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii Mahad Maxamed Salaad ayaa ugu hambalyeeyay Agaasimaha cusub ee badalaya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo xilkaan culus markii sadaxaad loo igmaday.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Xasaasi ah ka Jeediyay Shir ka Furmay Nairobi.(Sawirro)

Heemaaln

Beeralayda Qaadka Miirowga Ee Kenya Oo joojiyay Dhoofinta Qaadka Ee Somaliya.

Heemaaln

Ilhaan Cumar “inta aan Congers-ka Joogo Biyaha iyo Badda Somaliya Cid kale ma Qaadan karto”.

Heemaaln