Iran Oo Taliyeyaasha Ciidamada U Gudbisay Qorshe Cusub Oo ay U Diyaarisay Hadii Dagaalku Dib u Qarxo.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaarisay qorshe cusub oo loo gudbiyay dhammaan taliyeyaasha ciidamada, kaas oo si degdeg ah loo fulin doono haddii dagaalku dib u billowdo.

Website-ka Nour News oo ku dhow Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan ayaa maanta daabacay hadallo laga soo xigtay saraakiil Iiraan.

Saraakiishaasi ayaa sheegay:“Dhammaan cutubyada howlgalka ee ciidamada qalabka sida waxaa la gaarsiiyay qorshe jawaab celin oo dhameystiran si isla markiiba loo fuliyo.

Qalad yar ama tallaabo dagaal oo Mareykamka uu qaado waxaa looga jawaabi doonaa weerar xooggan oo isku mar ah.”