Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar ayaa sheegay inuu dareemay farxad weyn intii uu qaabilayay safiirka ugu horreeya ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji, kaasoo subaxnimadii maanta gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed oo uu ka guddoomay madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.
Sa’ar, wuxuu yiri ; “Waxaan dareemay farxad weyn markii aan qaabilayay safiirka ugu horreeya ee Somaliland ee Israa’iil, Mudane Maxamed Xaaji.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in safiirku amaanay kooxda muusikada ee Israa’iil oo markii ugu horreysay gudaha Israa’iil ka qaaday astaanta Somaliland.
Wuxuu intaa ku daray:“Waxaan horumarin doonaa iskaashigan cusub ee muhiimka ah ee u dhexeeya labada dhinac, si aan uga wada shaqeyno dhinacyo badan oo faa’iido u leh labada shacab iyo guud ahaan gobolka.”


