Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudiga, kaddib markii ciidamada difaaca cirka ee Sacuudiga ay sheegeen inay soo rideen diyaaradahaas kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu yahay “xadgudub culus” oo ka dhan ah madax-bannaanida Sacuudiga iyo khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay taageersan tahay dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo ammaanka, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee boqortooyada.
Bayaanka ayaa lagu xusay in weerarrada lagu qaado dalalka iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay halis gelinayaan xasilloonida guud ee gobolka, isla markaana ay sii hurin karaan xiisadaha ka jira Bariga Dhexe.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada gobolka inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana la dhowro sharciga caalamiga ah si looga hortago xaalad amni darro oo sii fida.
Weerarka ayaa imanaya xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisado amni iyo siyaasadeed oo isa soo taraya, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadaha gobolka ay yeeshaan saameyn ballaaran.
