Safiirka Falastiin u fadhiya Qaramada Midoobay, Riyad Mansour ayaa isaga haray tartankii uu ugu jiray xilka madaxweyne ku-xigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay , ka dib cadaadis uga yimid Mareykanka oo ku hanjabay inuu kala laabanayo fiisaha uu ku joogo Mareykanka , haddii uusan ka harin tartanka uu jagadan ugu jiro.
Mareykanka iyo Israa’iil, waxay mar kasta ka hortagaan kor u kac diblomaasiyadeed ee Falastiin ay ka dhex helayso gudaha Qaramada Midoobay, taasoo haddii ay dhacdo u dhaweyn karta Falastiin inay kursi ka hesho Qaramada Midoobay.

Screenshot
