Faransiiska ayaa doonaya inuu ku biiro qorshe Ingiriiska iyo Jarmalka ay ku doonayaan inay ku soo saaraan gantaallo riddada dheer oo gaari kara 2,000 km.
Arintan ayaa timid markii Trump uu billaabay inuu dalalka Yurub ka saaro guutooyinka gantaallada riddada dheer ee Mareykanka, iyadoo ujeeddadu reer Yurub ay hadda tahay inay Yurub si madax bannaan u helaan hub uusan Mareykanka soo saarin.
Ka warran inay dalalka Yurub, hiigsanayaan tobanka sanno ee soo socota , wax Iiraan oo ay wax walba ka cunaqabateeyeen muddo 45 sanno ah ay soo saartay toban sanno ka hor, taasoo la macno waxay mar walba reer Yurub ku jiraan dib u dhac tobannaan sanno ah.
