Heemaal News Network

Saraakiil Mareykan ah Oo Shaaciyay In Weerar Wayn Oo Deg-deg ah Iran ku Qaadeyso Israel

Iyadoo laga walaacsan yahay in xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israel ay kororto ayey safaaradda Mareykanka ee Israel xaddiday safarka shaqaalaheeda iyadoo Faransiiska ay kala baxeen dibolomaasiyiintooda Tehran.

Telefishinka CBS ayaa ka soo xigtay labo sarkaal oo Mareykan ah in Iran degdeg u weerari doonto Israel.

CBS waxay sidoo kale sheegeen in ay ka soo xigteen saraakiisha in Iran qorsheyneyso weerar ay qaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shiinaha ayaa ka dalbaday Mareykanka in ay door wax ku ool ah ka qaataan mushkiladda ka taagan bariga dhexe.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa Khadka taleefoonka kula hadlay Wang Yi oo ah sarkaalka ugu sareeya siyaasadda dibadda Shiinaha isagoo ka dalbaday inuu adeegsado saameynta Shiinaha si xiisadda loo qaboojihyo. Wang Yi waxa uu cambaareeyay weerarka qunsuliyadda Iran.

Reuters ayaa sheegtay khamiistii in Mr Blinken uu xiisadda kala hadlay wasiirada arrimaha dibadda Turkiga, Shiinaha iyo Sucudiga. Wuxuuna u sheegay in aysan cidi dan ugu jirin xiisadda oo sii kororta.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Shiinaha: Waan In Lafuliyaa Qaraarkii Golaha Amanaaka

Heemaal

Madaxweyne Biden & Netanyahu Oo Mar kale Isku Maan-dhaafay Arrimaha Dagaalka Gaza.

Heemaaln

Golaha Wasiirrada Dagaalka Israa’iil Oo Kulan Deg-deg ah ka Yeeshay Weerar Uga Yimaada Iran.

Heemaaln