Trump, wuxuu sameynaya wax u muuqda dabaal-deg isagoo warbaahinta iyo kulamada uu ka qaybgalay saacadihii u dambeeyay ka sheegaya in heshiis rasmi ah oo dagaalka Iiraan la xiriira uu dhowyahay, kaasoo uu ku sheegayo midkii ugu sarreeyay oo Mareykanka uu la gaarayo Iiraan, illaa uu tilmaamay in heshiiska uu xaqiijinayo Iiraan aysan yeelan doonin hub nukliyeer ah.
Netanyahu ayaa isaguna saacadihii u dambeeyay isla sidaa u sheegayay Israa’iiliyiinta inaysan Iiraan yeelan doonin hub nukliyeer ah.
Hadalladan ka dib, wakaaladda Iiraan ee Tasnim ayaa baahisay inkastoo maanta wada-hadallo ay qabsoomeen, haddana wali waxaa jira arrimo la isku mari la’yahay, gaar ahaan lacagaha Iiraan laga xanibay.
Sababtaas darteed, heshiiska wali wuu fashilmi karaa, iyadoo Iiraan ay sheegtay inaysan ka tanaasuli doonin qodobada muhiimka u ah

Screenshot
