Ciidamada Booliiska Waqooyi Bari Oo Gacanta ku Dhigay Nin ku Eedeysan Falal Amni-daro

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

ayaa degmada Kalabaydh ku soo qabtay eedeysane Khadar Maxamed Tarabi, kadib howlgal qorsheysan oo uu hoggaaminayey Taliyaha Howlgalinta Booliiska Waqooyi Bari, G/le Cabdiraxmaan Maxamed Siraad.

Eedeysanaha ayaa ku eedey falal amni-darro iyo Khal khal gelin ku ahaa amniga degmada Kalabaydh iyo xasilloonida bulshada.

Taliyaha Booliiska Qeybta Gobolka Sool ee Dowladda Waqooyi Bari, G/dhexe Khadar Maxamed Faarax (Gowrac), ayaa sheegay in ciidamada ammaanku sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, isaga oo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Eedeysanaha ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda Dowladda Waqooyi Bari marka uu dhammaado baaritaanka lagu hayo