DFS Oo si Adag Ugu Jawaabtay Senatar Ted Cruz Oo Maraykanka Ugu Baaqay In Somaliland lala Macaamilo

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa si cad u muujiyay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan amniga gobolka iyo ilaalinta marinnada muhiimka ah ee badda cas, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha loogu yeero argagixisada iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee ka jira gobolka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marinka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb, oo kamid ah marinada ugu muhiimsan ganacsiga caalamka iyo isu socodka shidaalka dunida.

Wasiirka ayaa hadalkiisa u muuqday mid jawaab u ah hadal dhawaan kasoo yeeray Senator-ka Mareykanka ee gobolka Texas laga soo doorto Ted Cruz, kaas oo ku baaqay in dowladda Mareykanka ay xiriir dhow la yeelato maamulka gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya ee Somaliland la baxay.

Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si buuxda ula shaqeyso saaxiibada caalamka iyo dowladaha daneeya amniga gobolka, si wax looga qabto khataraha ka jira biyaha caalamiga ah, oo ay kamid yihiin kooxaha hubeysan, burcad-badeedda iyo falalka khalkhal gelin kara ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale, wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashi kasta oo caalami ah oo lala sameynayo Soomaaliya uu ku saleysnaado ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo dhaawaceysa midnimada qaranka, isagoo ku dooday in xasilloonida Soomaaliya ay si toos ah ugu xiran tahay amniga guud ee Geeska Afrika iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

“Midnimada qaranka Soomaaliya waa udub-dhexaadka xasilloonida Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo marinka Bab el-Mandeb,” ayuu yiri wasiirka, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay door istiraatiiji ah oo ku saabsan amniga gobolka iyo ilaalinta isu socodka ganacsiga caalamka.

Marinka Bab el-Mandeb ayaa muhiimad weyn u leh dhaqaalaha dunida, maadaama uu isku xiro Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waxaana mara boqolaal maraakiib ganacsi iyo kuwa shidaal qaada ah maalin kasta.

Hadalka dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli quwadaha caalamka ay sii kordhinayaan xiisaha ay u qabaan gobolka Geeska Afrika iyo xeebaha Soomaaliya, iyadoo arrimaha amniga badda, ganacsiga iyo tartanka saameynta siyaasadeed ay noqdeen kuwo sii xoogeysanaya sanadihii dambe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay inay diyaar u tahay iskaashi caalami ah oo dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada ah, balse ay muhiim tahay in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.