Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee The Economist ayaa warbixin uu baahiyay wuxuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu leeyahay himilo weyn oo ah inuu Itoobiya ka dhigo quwadda ugu awoodda badan Geeska Afrika, dhaqaale ahaan, militari ahaan iyo siyaasad ahaan.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal badan ayaa ka digaya in hamigaas weyn uu khatar gelin karo Itoobiya lafteeda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Dadka naqdiya siyaasaddiisa waxay sheegayaan in dadaallada lagu doonayo in Itoobiya ay hesho saameyn weyn oo gobolka ah, gaar ahaan arrimaha marin-badeedka, awoodda militariga iyo hoggaaminta gobolka, ay kordhin karaan xiisadaha kala dhexeeya dalalka deriska ah sida Eritrea, Soomaaliya iyo dalal kale oo gobolka ku yaalla.
Dhanka kale, taageerayaashiisu waxay ku doodaan in Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof ay xaq u leedahay inay raadiso koboc dhaqaale, awood amni iyo marin ay ku gaarto ganacsiga caalamiga ah.
Haddaba Itoobiya ma noqon doontaa quwad xasillooni iyo horumar u horseedda gobolka, mise hamigaas ayaa sababi kara khilaafyo cusub oo Geeska Afrika ka dhasha?
Taasi waa doodda ugu weyn ee maanta ka taagan siyaasadda Abiy Ahmed iyo mustaqbalka Itoobiya
