Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta xarunta AUSSOM ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Saalax Keshtah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay AUSSOM, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, horumarrada ka socda gobolka Geeska Afrika, iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageera dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka ay iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ahi ka qaadan karaan taageeridda geeddi-socodka dib u dhiska hay’adaha dowladda, horumarinta awoodda hay’adaha amniga, iyo dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya.
Amb. Diene ayaa kulanka ku muujiyay sida uu Midowga Afrika uga mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga noocaas ahi uu muhiim u yahay hirgelinta waajibaadka AUSSOM iyo taageeridda qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee la xiriira amniga iyo xasilloonida.
Dhankiisa, Safiir Keshtah ayaa dib u xaqiijiyay mowqifka Masar ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalkiisu sii wadi doono la shaqeynta Midowga Afrika iyo dowladda federaalka si loo taageero dadaallada nabadeynta, amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo la dagaallanka Al-Shabaab, hirgelinta howlaha AUSSOM, iyo wadatashiyo la xiriira hannaanka siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka. Sidoo kale, Masar ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee si dhow ula socda xaaladda Soomaaliya, isla markaana taageero dhinacyo kala duwan leh siiya dowladda federaalka.
