Muuse Biixi Oo si Adag Uga Hadlay Rabshado Dad ku Dhinteen Iyo Boqor Buur-madaw Oo u Jawaabay

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwaynihii hore ee Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horeyn tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, ehelada iyo dhammaan Qaranka Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid labada muwaadin ee kala ah marxuumad Canab Cumar Jaamac iyo marxuum Maxamed Cumar Cilmi, kuwaas oo shalay ku geeriyooday mudaharaadkii ka dhacay magaalada Sheekh. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaanna haka siiyo dhammaan eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan qarankii ay ka baxeen. Sidoo kale, inta dhaawacyada iyo waxyeelladu ka soo gaadheen, Alle SWT caafimaad degdeg ah ha siiyo.

Dhimashada labada qof waxay ku timid fudaydsi, haddii si waayeelnimo iyo masuuliyad leh marka hore loo dhegaysan lahaa tabashooyinka bulshada waxaana fududaan lahaa maareynteeda. Dadku waxay ka gadoodeen Suldaan Axmed Qabile habkii loo qabtay, isaga oo dareenkiisa cabbiray isla markaana aan Qaranka wax dhibaato ah u geysan, iyadoo la koolkoolinanyo dad Qaranka dembiyo ka galay

Salaadiintu waa qayb ka mid ah bulshada, gefna way geli karaan, hase yeeshee waxaa waajib ah in la ilaaliyo karaamadooda, maqaamkooda iyo sharaftooda. Arrintani waa markii labaad ee ay soo noqoto, iyadoo loo maray hannaan sharciga baal marsan oo aan lagu horgayn maxkamad.

Waxaan ku talinayaa in arrimaha noocan oo kale ah ee soo noqnoqda lagu wajaho talo-wadaag, is-dhagaysi, wada-hadal iyo xalinta khilaafaadka ka hor inta aanay isu beddelin dhibaatooyin sababa dhimasho iyo dhaawac. Dalkuna maanta wuxuu leeyahay cadow badan, waxaana jira duruufo badan oo haysta shacabkeena. sidaas darteed waxaa la gudboon xukuumadda in dhacdooyinka noocan ah aanay u noqon fursad ay ka faa’iidaystaan cid kasta cadow u ah Qaranka.

Dhinaca kale Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ayaa si kulul ugu jawaabay madaxwaynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku eedeeyay in sharciga dalka uu xasuusto marka la xiro qof reerkiisa ah.

Waxuuna Yiri “Muuse Biixi Wuxuu Sharciga xasuusta marka la xidho qof Habar-awal ah, wuxuu u hadlaya qofka yar Waxuuna ugu maahmaahay “Hashii gawracna.mahadlayaa”

Boqorka oo hadalka sii wata ayaa yiri:”Muuse Biixi waa qofkii ugu badnaa ee xidha madaxdhaqameed iyo saxafiyiin siyaasiyiin iyo xildhibaano leh xasaanad wuxuu cadaalada iyo sharciga xasuustaa marka la xidho qof habarawal ah waa madaxwaynihii laayey mudaharadayashii ugu badnaa.”

Boqorku waxuu intaasi ku daray “Muuse weli Wuxu aamini layahay in xilkii lagaqaaday oo uu yahay qof ah shicib.qabile yaa doortay xagee lagu caleemasaaray miyaanu ahayn qofkanyaree media kacaytama ee shaqadiisu tahay inuu umada isku guubaabiya waxaab magac u yeeshay cida xidhay”