Ciyaartoyda Xulka Qaranka Iiraan Oo loo Ogolaaday Dal ku Galka Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciyaartoyda xulka qaranka Iiraan ayaa la siiyay fiisooyin ay ku geli karaan Mareykanka si ay uga qayb galaan Koobka Adduunka, taasoo hadda u oggolaanaysa inay u safraan magaalooyinka Seattle iyo Los Angeles, halkaas oo ay ku ciyaari doonaan Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Iran ayaa lagu wadaa inay yimaaaano Tijuana subaxda Axadda, iyagoo kulankooda ugu horreeya ee Group G la ciyaaraan New Zealand magaalada Los Angeles 15-ka Juun, kadibna ay la ciyaaraan Belgium iyo Masar.

Trump ayaa doonayay in xulka Iiraan loo diido fiisaha Mareykanka, balse iskaashi dhexmaray Maamulka Mareykanka iyo FIFA ayaa suuragaliyay inaan xulka qaranka Iiraan laga reebin koobka Adduunka.