Maamulka Tigray ee ay hoggaamiso TPLF ayaa dowladda Federaalka Itoobiya ku eedeeyay inay weerar ku qaaday xarumo ay Ciidamada Tigray ku lahaayeen agagaarka magaalada Shiraaro.
Ciidamo Tigreega oo gaadid saarnaa ayaa lagu duqeeyay agagaarka Shiraro. Warbaahintoda ayaa tabinaysa in ciidan tiro badan ku dhinteen. Waxaa la arkayaa sawirada Ciidamo xabaalo waddareed loo qodayo.
TPLF oo War-saxaafaded ay soo saartay ku sheegtay in Drones-ka lagu duqeeyay ay khasaare kala kulmeen. Siddoo kale Dowladda dhexe ayay ku eedeyen in Tigreega ka jartay Miisanniyadi, Shidaalkii, iyo daawadii. Intaas ayay xuseen in dagaal u weheliyo.
Maamulka Tigray ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay jebisay Heshiiskii Nabadda ee Pretoria, isla markaana ay bilowday dagaal cusub.
Tigray ayaa ugu baaqday beesha caalamka in laga hortago dagaalkan cusub, isla markaana la xakameeyo dowladda Itoobiya.
