Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warbixintii ay dhawaan soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR), taas oo sheegtay in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen, halka 189 kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho 3-dii iyo 4-tii Juun.
Warbixinta UNHCR ayaa sidoo kale xustay in ku dhowaad 12,500 qoys ay ka barakaceen guryahooda, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kadib rabshadihii saameeyay qaybo ka mid ah caasimadda.
Hase yeeshee, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in xogta rasmiga ah ee laga helay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee Muqdisho ay muujinayso in hal qof oo keliya uu ku geeriyooday dhacdooyinkaasi, halka 55 qof oo kale ay dhaawacmeen.
“Iyadoo lagu salaynayo xogta laga helay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku lug lahaa gurmadka iyo daaweynta dadka waxyeelladu gaartay, tirada guud ee la diiwaangeliyey ayaa ah 55 qof oo dhaawac ah iyo hal qof oo dhimasho ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.
Wasaaraddu waxay tacsi u dirtay qoyska qofka geeriyooday, waxayna caafimaad degdeg ah u rajeysay dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaareen. Sidoo kale, waxay uga mahadcelisay shaqaalaha caafimaadka iyo adeegyada gurmadka dadaalladii ay sameeyeen intii lagu jiray xaaladda degdegga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay hay’adaha caalamiga ah, warbaahinta iyo dhammaan daneeyayaasha inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka la baahinayo xogaha la xiriira dhimashada iyo dhaawacyada, si loo hubiyo in wararka la faafinayo ay yihiin kuwo sax ah oo xaqiiqo ku dhisan.
Kala duwanaanshaha u dhexeeya tirada ay shaacisay UNHCR iyo xogta ay soo bandhigtay Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujinaya is khilaaf ka taagan qiimeynta khasaaraha ka dhashay rabshadihii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.
