Musharraxiinta xilka hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Dr. Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan hannaanka codbixinta doorashada, kaddib markii ay guddiga doorashada u gudbiyeen cabasho rasmi ah oo la xiriirta habraaca doorashada.
Labada musharrax ayaa sheegay inay heleen xog muujinaysa in qaar ka mid ah xildhibaannada lagu amray inay sawirro ka qaadaan waraaqaha codbixinta si loo ogaado cidda ay codkooda siiyeen, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid halis ku ah xorriyadda xildhibaannada, qarsoodiga codka iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay dowladda federaalka, isagoo ku dooday in masuuliyiin heer federaal ah ay si muuqata ugu lug leeyihiin taageerada hal musharrax, taas oo uu sheegay inay dhaawici karto daahfurnaanta iyo dheellitirka tartanka siyaasadeed.
“Waxaan u baahanahay musharraxiin si siman u tartamaya. Haddii hal qof uu isku wada yahay guddoomiyaha baarlamaanka, sii hayaha xilka iyo musharrax doorasho, arrintaasi ma abuureyso jawi tartan oo loo siman yahay,” ayuu yiri Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaa sheegay in doorashada Koonfur Galbeed ay tahay tijaabo muhiim ah oo lagu qiimeynayo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay si madax-bannaan ugu doortaan hoggaankooda.
“Waxaan aaminsanahay in doorasho xor ah, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo ay ku dhisan tahay dhowrista sirta codbixinta, madaxbannaanida xildhibaannada iyo ku dhaqanka shuruucda doorashada. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah uga jawaabaan cabashooyinka la gudbiyay si loo ilaaliyo kalsoonida iyo sharciyadda doorashada,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Musharraxiinta ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto cabashooyinka ay gudbiyeen, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo sharciyadda doorashada. Waxay ka digeen haddii aan wax laga qaban cabashooyinka in ay dhibaato ka imaan karto doorashada Koonfur Galbeed.


