Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa hadashay garsooraha Soomaaliga ah ee Cumar Cartan oo loo diiday in uu galo dalka Maraykaka.
“Safaaraddu waxay mahadnaq iyo bogaadin u jeedinaysaa mas’uuliyiinta Türkiye, kuwaas oo fududeeyay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, uu soo galo dalka Türkiye, kaddib markii loo diiday in uu galo dalka Mareykanka, halkaas oo uu qorshuhu ahaa inuu ka qayb qaato garsooridda ciyaaraha Koobka Adduunka.” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Waxa kale oo qoraalka lagu yidhi:
“Cartan ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbul, waxaana la filayaa in uu u ambabaxo magaalada Muqdisho saacadaha hore ee subaxnimada berri. Safaaraddu waxay si weyn u bogaadinaysaa wada-shaqeynta iyo taageerada ay muujiyeen mas’uuliyiinta Türkiye intii lagu guda jiray xaaladdan nasiib-darrada ah.”
Magaalada Muqdisho waxaa laga abaabulayaa isu-soo-baxyo waaweyn oo lagu soo dhaweynayo Garsoore Cumar Cartan. Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan munaasabadaha soo dhaweynta ee loo diyaarinayo Garsooraha
