Qabanqaabada soo Dhoweynta Garsoore Cartan oo Muqdisho ka socota

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, kadib kulan wadajir ah oo ay yeesheen, waxay magacaabeen Guddi Qaran oo qabanqaabiya munaasabadda soo dhaweynta iyo garab-istaagga Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona qabanqaabada munaasabadda qaran ee lagu soo dhaweynayo Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kaas oo berri subax kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

Garsooraha waxaa si heer qaran ah loogu soo dhaweyn doonaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). Intaas kadib, munaasabad ballaaran oo lagu muujinayo taageerada iyo garab-istaagga Garsoore Cartan ayaa ka dhici doonta Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, halkaas oo ay berri galab ku balansan yihiin kooxaha Heegan iyo Dekedaha.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxay rajaynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si mug leh uga soo qaybgalaan munaasabaddan, iyagoo wata calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sawirrada Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, si ay u muujiyaan soo dhaweyn, taageero iyo garab-istaag qaran.

Xubnaha Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Munaasabadda Soo Dhaweynta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa kala ah:

Xasan Xaaji Yabarow Wiish – Guddoomiye

Nasrokin Haashi Nuur – Xoghayn

Maxamed Xuloow Xuseen – Xubin

Eng. Fahad Cali Xasan – Xubin

Jamaal Xaashi Tuure – Xubin

Cumar Cabdiraxmaan Faaruuq – Xubin

Maxamed Axmed Cantoobo.

Dhinaca kale Garsoore Cumar Cartan oo la hadlay wargeyska New York Times “Aad ayaan u niyad jabsanahay, waxaan ahay garsoore rabay inuu rumeeyo riyadiisa, riyada ugu wayn nolosheyda waxay ahayd inaan imaado Koobka Adduunka.”

“Waxaan haystay waraaqihii saxda ahaa, waxaan haystay fiiso sax ah iyo wax walba oo sax ah, waxaan u malaynayaa in Mareykanku ay dhibaato ka tirsanayaan dalkeyga Soomaaliya.”