Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in 20 qof lagu dilay weerar ka dhacay Niloofar Square ee Tehran

by Heemaal
1 minutes read

Wararka ka imanaya Tehran ayaa sheegaya qaraxyo ka dhacay bariga iyo galbeedka Iran, waxaana jira cabsi laga qabo in aan kaliya la beegsanayn xarumaha milatariga, balse sidoo kale la garaacayo xaafadaha rayidka deggen yihiin.

Mehr News Agency ayaa werisay in in ka badan 20 qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday Niloofar Square ee Tehran. Tani waxay muujinaysaa baaxadda weerarrada lagu hayo Iran, kuwaas oo aan ku koobnayn oo keliya xarumaha siyaasadda iyo talisyada milatariga.

Weerarradu waxay ka bilaabmeen xaafadda Pasteur neighbourhood, halkaas oo ay ku yaallaan xafiisyada hoggaamiyaha sare iyo madaxweynaha dalka.

Waxaan aragnaa burbur soo gaaray dhismayaal rayid, qaar ka mid ahna si buuxda ayaa loo dumiyey. Arrintani waa mid walaac leh maadaama tirada dhimashada rayidka ay sii kordhayso.

Sarkaal ayaa sidoo kale sheegay in 180 carruur ah lagu dilay dugsi gabdho oo ku yaalla Minab, koonfurta Iran.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.