Trump oo su’aal kulul laga waydiiyay dadka loo diiday in ay tagaan Mareykanka sida Garsoore Cumar Cartan.
“Dadka saxda ah ayaa imaan kara Mareykanka, Tartanka Koobka Adduunka ee sannadkan waa mid aan hore loo arrag, Tikidyada hore ayaa loo iibsaday” ayuu yiri Trump.
Donald Trump oo wax laga weydiiyay xaalada fowdada ah ee ka taagan World Cup ayaa yiri; “Waxaan la hadlay Gianni (Madaxa FIFA) wuxuuna ii sheegay inuusan horay u arkin koob adduun ka fiican midkaan”.
Dhinaca kale Wariyaha ayaa Trump waydiiyay. “Ma u malaynaysaa iney jirto fursad isku dhaca ama khilaaf uu ku dhexmari karo Turkiga iyo ISRL.?”
Trump “Aad baan u jeclahay Erdogan, waa hogaamiye xoogan, uma malaynayo in dagaal ama khilaaf noocaas ahi dhexmari doono Turkiga iyo ISRL inta aan annigu madaxweynaha ahay, sababtoo ah Erdogan wuu i ixtiraamaa, anniguna wan ixtiraamaa issaga.
