Wednesday, June 10, 2026

“Annagu kama Cabsano inaan la Dagaalano kuwa khasaarey.”Gud.Guddiga Ammniga Qaranka ee Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Gudoomiyaha guddiga ammniga qaranka ee Baarlamanka Iiraan ayaa yidhi. “Annagu kama cabsano inaan la dagaalano kuwa khasaarey.”

‘Tirada dhimashada iyo dhaawaca askarta Mareykanka ayaa aad uga badan inta Trump xaqiijiyay, wayna sii kordhi doonaan. dagaalkuna markan kuma eekaan doono gobolka bariga dhexe oo keliya, wan arki doonaa waxa dhaca.”

Dhinaca kale Warbaahinta ISRL ayaa ku warameysa in Mareykanku uu caawa duqeymo daran u geysanayso Iiraan, waxay sheegen in diyaaradaha istaraatiijiga ah ee Mareykanka gaar ahaan nooca geysta duqeymaha lagu riiqmo ee B-52 ay ku socdaan Iiraan.

Goor sii horeysay Madaxweynaha Mareykanka, Trump ayaa sheegay iney sii wadi doonaan duqeymaha isla markaana duqeymo culus la beegsan doonaan.