Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa sii wada inuu helo taageero iyo qaddarin caalami ah kadib dhacdadii la xiriirtay safarkiisii Koobka Adduunka 2026. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dalal badan ay u direen casuumaado rasmi ah, iyagoo doonaya inuu booqasho ku tago si uu khudbado iyo duruus uga bixiyo Jaamacadaha kuwaasoo ku saabsan garsoorka kubadda cagta, hoggaaminta iyo horumarinta isboortiga.
Dalalka ilaa hadda la shaaciyay inay muujiyeen rabitaanka martiqaadka Cumar Cartan waxaa kamid ah Canada, Qatar, Sacuudi Carabiya, Ghana, Boqortooyada Midowday ee UK, Spain iyo Australia. Casuumaadahan ayaa la xiriira ka qeybgalka munaasabado ay qabanayaan jaamacado, xarumo cilmi-baaris, ururro isboorti iyo hay’ado ka shaqeeya horumarinta kubadda cagta.
Danjirayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha isboortiga ee dalalkan ayaa la sheegay inay u arkaan Cumar Cartan tusaale muujinaya dadaal, karti iyo adkeysi, maadaama uu kasoo baxay duruufo adag isla markaana uu gaaray heerka ugu sarreeya ee garsoorka kubadda cagta caalamka.
Khubbadaha la qorsheynayo inuu jeediyo ayaa diiradda lagu saari doonaa khibraddiisa garsoornimo, caqabadihii uu soo maray, horumarka kubadda cagta Afrika iyo doorka ay dhallinyaradu ku yeelan karaan guusha iyo hoggaaminta. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu la kulmo arday, ciyaartooy iyo garsoorayaal da’yar oo doonaya inay ka faa’iideystaan waayo-aragnimadiisa.
Xiisaha sii kordhaya ee lagu martiqaadayo Cumar Cartan ayaa yimid kadib markii magaciisu si weyn uga dhex muuqday warbaahinta caalamka toddobaadyadii lasoo dhaafay. Arrintan ayaa keentay in dad badan oo aan hore u aqoon garsooraha Soomaaliyeed ay bartaan taariikhdiisa iyo guulihii uu ka gaaray garsoorka heerka caalami.
Falanqeeyayaasha ciyaaraha ayaa aaminsan in casuumaadahan badan ay muujinayaan in dhacdo kasta oo caqabad ah aysan mar walba dhaawicin sumcadda qofka, balse mararka qaar ay sii kordhiso aqoonsigiisa iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada caalamka. Waxay tilmaamayaan in Cumar Cartan uu hadda noqday astaan lagu xuso kartida iyo horumarka ay gaareen xirfadlayaasha Soomaaliyeed.
Ilo ku dhow garsooraha ayaa sheegaya in uu weli ka fiirsanayo dalalka uu booqan doono iyo jadwalka uu qaadan doono, maadaama martiqaadyadu ay isa soo tarayaan maalinba maalinta ka dambeysa. Haddii uu aqbalo qaar kamid ah casuumaadahan, waxaa la filayaa inuu booqashooyin ku tago dhowr qaaradood oo kala duwan inta lagu jiro bilaha soo socda.
Kororka xiisaha loo qabo Cumar Cartan ayaa loo arkaa guul kale oo u soo hoyatay Soomaaliya, maadaama uu noqday mid ka mid ah wejiyada ugu caansan ee Afrika ku metela garsoorka kubadda cagta, isla markaana magaciisa laga hadal hayo xarumaha waxbarashada iyo isboortiga ee dunida.
