Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si adag uga hadlay tallaabo la sheegay in Mareykanka uu qaaday oo la xiriirta garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan, isagoo ku tilmaamay mid “khalad weyn oo lagu gefay qaaradda Afrika.”
Ruto ayaa sheegay in haddii wararkani ay sax yihiin, ay tahay arrin muujinaysa ixtiraam darro loo geystay xirfadlayaal Afrikaan ah oo ka shaqeeya heer caalami, gaar ahaan dhinacyada garsoorka iyo ciyaaraha.
Waxa uu intaa ku daray in Afrika aysan aqbali doonin in la beegsado ama la yareeyo qiimaha shaqsiyaadka ka soo jeeda qaaradda, kuwaas oo si xirfad leh uga shaqeeya masraxyada caalamiga ah.
Ruto ayaa ugu baaqay hay’adaha kubadda cagta iyo ururrada caalamiga ah ee garsoorka inay si degdeg ah u caddeeyaan xaqiiqada, si looga hortago xiisad iyo isfaham darro siyaasadeed iyo mid isboorti.
Dhinaca kale Midawga Yurub ayaa ka hadlay arinta Garsooraha waxana lagu yri war ay soo saareen sidan:-“Hal fursad oo la waayay ilaa mid kale oo cusub! Hambalyo Cumar Cartan, garsooraha Soomaaliyeed ee hibada iyo qiimaha gaarka ah leh. Yurub waa saaxiib lagu kalsoonaan karo oo xooggan.” Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya.
