Hadda Ogow Qabiillada ay kasoo jeedaan xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ee Madaxweyne Siciid Deni isku shaandhaynta, isku beddelka iyo magacaabista ku sameeyay.
1- Abdirashiid Barkhadle Warsame oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha DHULBAHANTE, BAHARARSAME ayaa noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta
2- Abdi Xirsi Qarjab oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, CIISE-MAXAMUUD ayaa noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha
3- Maxamed Faroole oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, CIISE-MAXAMUUD ayaa noqday Wasiirka Caafimaadka
4- Barre Yusuf Fatax oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, SIWAAQROON ayaa noqday Wasiirka Qorshaynta
5- Abdifatax Ugas Yasin oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha DASHIISHE ayaa noqday Wasiirka Duulista
6- Hodon Siciid Xasan oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha WARSANGELI, CUMAR ayaa noqotay Wasiirka Haweenka iyo
Arrimaha Qoyska
7- Farxan Ali Xirsi oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, R. BICIIDYAHAN ayaa noqday Wasiirka Warfaafinta
8- Siciid Jamac Qoorsheel oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha WARSANGELI, CUMAR ayaa noqday Wasiirka Xanaanada
Xoolaha