Wasiirka Ciyaaraya Koonfur Afrika Oo Weeraray Garsoore Cumar Cartan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Koonfur Afrika ayaa mar kale isku soo jeedisay indhaha Afrika , ka dib markii wasiirka ciyaaraya Koonfur Afrika ,

Gayton McKenzie uu dhaleeceeyay go’aankii uu garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan u adeegsaday baasaboorka diblomaasiga si uu Mareykanka u galo.

Wuxuu yiri ; “Macluumaadka aan helnay wuxuu sheegayaa in Cumar Cartan uu ku safray baasaboorka diblomaasiga ah. Laakiin isagu ma aha diblomaasi. Xitaa haddii aan anigu madaxweyne ahay, dalka uma oggolaadeen inuu soo galo. Muxuu u isticmaalaya baasaboorka diblomaasiga ah? Ma siyaasi baa?”

Hadalkan wuxuu dhaliyay kacdoon ka dhan ah Koonfur Afrika , illaa xataa qaar ka mid ah dadka Koonfur Afrika ay hadalkan dhaleeceeyeen oo ay ku sheegeen Gayton, inuu yahay mid aan waxba ka fahansanayn sida ay wax u socdaan iyo sida dib u celinta Garsoore Cartan aysan ula xiriirin baasaboor diblomaasiga, halka kuwa kale ay ku tilmaameen Gayton McKenzie, mid ku talax-tagay daroogada oo dareenkiisu uusan joogin.

Marka laga hadlayo doodda la xiriirta baasaboor diblomaasiga, dalalka waxay si sharci ah u siiyaan muwaadiniin gaar ah, marka lagu jiro xaalad la mid ah midda uu wajahayay garsoore Cumar Cartan oo ah qofkii ugu horreeyay heer caalami ka gaaray dhex dhexaadinta ama garsoorida ciyaaraha kubadda cagta , isagoo ka mid ahaa garsoorayaashii loo xushay koobka adduunka, taasoo siin lahayd Soomaaliya taariikh iyo aastaan gaar ah, sidoo kale waxaa laga hortagayay in garsooraha uu wajaho dib u dhac ka dhasha baasaboorka muwaadiniinta oo horey uu u xannibay Mareykanka.

Si kasta waa in si cad loo sheegaa, arrinta garsoore Cartan oo bisha ina soo aaddan ee Agoosto dhex dhexaadin doona ciyaarta ugu sarreysa kooxaha kubadda cagta ee Yurub , lama xiriirto nooca baasaboorka uu ku safrayay