Jadwalka Qorshaha Madaxweynaha Somaliland Ee Israel Oo la Baahiyay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska Yedioth Ahronoth, ayaa baahiyay faahfaahin la xiriirta jadwalka madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo la filayo inuu berri booqasho ku tago Israa’iil.

Jadwalka booqashadan oo ah middii u horreysay oo madaxweynaha Soomaaliland uu ku tagayo Israa’iil ayaa ka kooban;

1-Furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus.

Berri wuxuu booqan doonaa qabriga Theodor Herzl, oo ah suxufi, qoraa, iyo siyaasi Yuhuudi ah oo si weyn loogu yaqaan inuu yahay aasaasaha dhaqdhaqaaqa Sahayuuniyadda casriga ah (Modern Zionism).

Herzl, wuxuu geeriyooday 44 sano ka hor intii aan la dhisin Israa’iil 1948, haddana Israa’iil waxay u aragtaa inuu ahaa qofkii fikirka iyo ololaha horseeday aasaaska dawladdaas. Sidaas darteed waxaa badanaa loogu yeeraa;Aabbaha Sahayuuniyadda Casriga ah.

• Waxaa kaloo uu Cirro berri booqanayaa xarunta xusuusta xasuuqii Yuhuudda ee Yad Vashem, isagoo isla berri la kulmi doona Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo madaxda hay’adaha dhaqaalaha ee Israa’iil.

•Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro wuxuu kullamadiisa ugu muhiimsan Isniinta la qaadan doonaa Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar.