Xuutiyiinta: Yemen waxay ka Hortagi Doontaa Qorshe kasta oo Israa’iil ka leedahay Somaliland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay inay ka hortagi doonto waxa ay ku tilmaantay qorshayaasha Israa’iil ee Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, iyadoo si adag u cambaareysay booqashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku tagay Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay tahay tallaabo aan la aqbali karin, maadaama uu la kulmay madaxda Israa’iil xilli ay dagaallo iyo xiisado ka socdaan gobolka Bariga Dhexe.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in Israa’iil aysan awoodi doonin inay hirgeliso waxa ay ugu yeereen “qorshayaal khatar ah” oo ku wajahan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyagoo intaas ku daray in Yemen ay ka hor istaagi doonto dadaal kasta oo arrintaas la xiriira.

Kooxdu waxay sidoo kale ku baaqday in dalalka Carabtu qaataan tallaabooyin ka baxsan cambaareyn siyaasadeed oo keliya, si looga hortago xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay muujiyeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay garab taagan yihiin dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Israa’iil ayaa ah tii ugu horreysay ee heerkan gaarta, waxaana la filayaa inay ku soo gabagabowdo furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Qudus, sida ay qortay warbaahinta Israa’iil.