Madaxweynaha Jubaland Oo Daah-furay Mashruuca Adkeysiga Barakacayaasha iyo Bulshada Deg.Doolow.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Adkeysiga Barakacayaasha iyo Bulshada Degmada Doolow.

Mashruucan oo uu maalgelinayo African Development Bank, laguna maalgelinayo lacag dhan 21 milyan, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta adkeysiga bulshada, yareynta ku tiirsanaanta deeqaha, iyo horumarinta isku-filnaanshaha bulshada si loo gaaro nolol waarta.

Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa dhismaha ku dhawaad 2,000 oo guri, hirgelinta kanaallo waraab ah iyo beero wax-soo-saar leh, kobcinta xirfadaha iyo awood-siinta bulshada danta yar, iyo sidoo kale sare u qaadidda fursadaha dhaqaale iyo tayada nolosha bulshada. Mashruucan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta wax soo saarka beeraha iyo xoojinta adkeysiga bulshada ku nool degmada Doolow.