Madaxwayne Cirro Oo Booqasho ku Tagay Xarunta Baarlamaanka Israa’iil Khudbad-na Ka Jeedinaya..(Sawiro)

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Marwada Koowaad ee Qaranka JSL iyo xubnaha weftiga uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho-sharafeed taariikhi ah ku tagay Baarlamaanka dalka Israa’iil (Knesset).

Madaxweynaha waxa halkaasi lagu qaabilay Hab-maamuus dhammaystiran oo leh Haybad Qaran (Guard of Honour), taasi oo ka tarjumaysa heerka maamuuska, ixtiraamka iyo qaddarinta ay Dawladda Israa’iil u hayso Jamhuuriyadda Somaliland, Hoggaankeeda iyo madaxdeeda.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu saxeexay Buugga Martida Sharafta ee Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ka, isaga oo ku qoray farriin Qaran oo ka turjumaysa qiimaha dimuqraadiyadda, nabadda, xasilloonida. iskaashiga, saaxiibtinimada iyo xidhiidhka sii kobcaya ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil, taasi oo faa’iido u leh labada shacab.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isaga oo ka duulaya waayo-aragnimadiisii 12-ka sano ahayd ee uu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada ka dhexeeya Hay’adaha Sharci-dejinta ee labada dal, taasoo door muhiim ah ka qaadan doonta xoojinta dimuqraadiyadda, Axsaabta Siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay Guddoomiyaha (Speaker) Baarlamaanka dalka Israa’iil, Mudane Amir Ohana, Hoggaanka, Mudanayaasha iyo Marwooyinka Aqalka Barlamaanka Israa’iil (Knesset) sida sharafta iyo maamuuska sare leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Knesset-ka waxa ay ka mid tahay dhacdooyinka taariikhiga ah ee ka markhaati kacaya doorka sii kordhaya ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay arrimaha gobolka iyo caalamka, iyada oo sii adkaynaysa sumcadda, haybadda iyo muuqaalka wacan ee ay JSL ku leedahay Masraxayada Caalamka.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇