Kooxda Xuutiyiinta Yemen (Ansar Allah) ayaa si adag oo kulul uga gadoodey booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), uu ku tagay dalka Israa’iil, iyagoo soo saaray digniino culus oo ku aaddan iskaashiga sii xoogeysanaya ee dhexmaraya Hargeysa iyo Tel Aviv.
Bayaan rami ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Sanca, laguna baahiyey wakaaladda wararka ee Saba ee ay maamulaan, ayaa si weyn loogu weeraray hoggaanka Somaliland.
Qodobada Ugu Sifaysan ee Warbixinta Wakaaladda SabaHalkan waxaa ku xusan faahfaahinta eedaymaha iyo digniinta ay Xuutiyiintu u direen Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta ayaa ku tilmaamtay Madaxweyne Cirro “madaxweynaha is-magacaabay ee Somaliland”. Waxay booqashadiisa Israa’iil ku sifeeyeen tallaabo ceeb ah oo sii fogeynaysa Hargeysa, iyagoo yiri: “Qof kasta oo booqda, gacan qaada ama aqoonsada dambiilayaasha dagaalka ee Sahyuuniyadda waa inuu dareemaa ceeb iyo hoos-u-dhac
Xuutiyiinta ayaa sheegay inay si adag uga hortagi doonaan wax ay ku tilmaameen qorshayaasha Israa’iil ay ku ballaarinayso saameynteeda Geeska Afrika iyo Badda Cas. Waxay xuseen in joogitaanka Israa’iil ee aaggaas uu khatar weyn ku yahay amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed.
Kooxdu waxay horey u sheegtay in isku dey kasta oo Israa’iil ay saldhig hantiyeed ama ciidan kaga samaysanayso Somaliland uu yahay “khad cas” oo aan marnaba la aqbali karin, iyadoo hoggaamiyaha kooxda, Abdul-Malik al-Houthi, uu horey u xaqiijiyey in joogitaanka Israa’iil ee Somaliland uu noqon doono bartilmaameed toos ah oo ciidankooda u furan.
Bayaanka ayaa lagu caddeeyey in Xuutiyiintu ay garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo muujiyey taageero weyn oo ku aaddan difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Safarka Ciro ayaa daba-socda go’aankii lama-filaanka ahaa ee Israa’iil ay bishii Diseembar 2025 ku noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland.
