Wednesday, June 17, 2026

M/Ciro Oo ka Jawaabay Door Somaliland ka Qaadan-karto Dagaalka Xuutiyiinta Looga Difaacayo Bada Cas…

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Cirro oo maanta Wareysi gaar ah siiyay i24NEWS, ayaa mar la weydiiyay in Somaliland door ka qaadan karto la-dagaallanka khatarta Xuutiyiinta ee Badda Cas, wuxuu sheegay in Somaliland aysan cidna cadow u ahayn, balse ay xaq u leedahay difaaca dalkeeda. Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay raadinayso taageero caalami ah si kor loogu qaado awoodda ciidanka ilaalada xeebaha.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale sheegay inuu rumeysan yahay in dalal kale ay ku dayan doonaan Israa’iil oo ay aqoonsan doonaan Somaliland, inkastoo uusan magacaabin dalalkaas ama bixin jadwal cayiman. Wuxuu sheegay in aqoonsigu uu dhici karo “waqti dhow”.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Somaliland ayaa ka hadlay cabaaraynta dalalka carabta ee ku aadan safaarada uu ka furay Qudus waxuuna yiri:-“Dalal Carbeed ayaa Qudus ka furtay Safarado, Anaguna inay dan noogu jirto ayaanu u aragnay Safaarada aanu ka furanay madaama ay Israa’iil tahay dalka kaliya ee na aqoonsaday.

Soomaliya Jaanis waanu u siinay ay Somaliland ku aqoonsadan oo warqad ayaan u diray balse kamay faa’idaysan.” Madaxweyne Cirro Tariikhda Somaliland ayuu si mug leh u soo bandhigay.

Farriin uu u diray dalalka weli aan aqoonsan Somaliland ayuu ku yidhi “Fadlan nagu soo biira inta goori goor tahay, Ciddii ugu horraysa waxay heli doontaa fursadaha ugu wanaagsan.”