Madaxweyne William Ruto ayaa dalkiisa ku casuumay kooxda Arsenal ee ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ee Premier League muddo 20 sano kadib.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la yaabay baaxadda dabaaldegyada lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka, kadib markii kooxdu ku guuleysatay horyaalka.
Kumanaan qof oo Kenyaan ah oo taageera Arsenal ayaa sameeyay isu soo bax ballaaran oo ay ku miijinayaan taageeradooda.
Madaxweynaha oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters intii lagu jiray shirkii G7 ee Faransiiska, ayaa xusay in xiisaha taageerayaasha Kenya uu ku horseeday suurtagalnimada inuu kooxda Waqooyiga London keeno dalka sanadka soo socda.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ah taageero weyn oo kooxda Arsenal ah
