Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa lagu wadaa inay kulan muhiim ah ku yeeshaan magaalada Qaahira, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin ajandaha shirkan.
Sida ay tilmaamayaan warbixinno hordhac ah oo laga helayo ilo diblomaasiyadeed, kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saari doona xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Bariga Dhexe, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan gobolka.
Wararka ayaa sheegaya in wasiirradu ay qiimeyn doonaan dadaallada socda ee lagu dejinayo xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, taas oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dhaqaalaha dalal badan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda Qaahira ku soo dhaweeyo dhiggiisa Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan, ka hor inta aysan si rasmi ah u billaaban wada-hadallada.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xusay in si weyn loo xaddiday faah-faahinta laga bixinayo kulanka, iyadoo la filayo in qodobada ugu muhiimsan iyo natiijooyinka kasoo baxa lagu dhawaaqo marka shirku soo geba-geboobo.
Pakistan ayaa sidoo kale door muuqda ku lahayd dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira arrimaha Bariga Dhexe, iyadoo marar badan ku baaqday in khilaafaadka gobolka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan diblomaasiyadeed.
Kulanka ka dhacaya Qaahira ayaa loo arkaa mid muhiim u ah isku-dubbaridka mowqifyada afartan dal ee saameynta weyn ku leh siyaasadda iyo amniga Bariga Dhexe.
