Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Oo ka Hadlay Muhiimada ay Amniga Bada cas u Leeyahay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaybgalay Madasha Dubrovnik, ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo amniga badaha, loo ilaaliyo xorriyadda maraakiibtu u leeyihiin marin-biyoodka, loona hubiyo in ganacsiga caalamiga ah u socdo si aan hakad lahayn.

Wuxuu sidoo kale iftiimiyay Wasiirku goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ay kaga taallo marin-biyoodka caalamiga ee muhiimka ah, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago caqabadaha wadajirka ah ee amniga badaha.

Wasiirka waxa uu sheegay in aduunka si wayn u saamaysay arrintii marinka Hormuz loona baahan yahay in Soomaaliya laga taageero dhanka bada iyada oo la ilaalinaya madax banaanideeda